skip to Main Content

Rai’isul wasaaraha Soomaalia oo ku baaqay midnimo iyo wadahadal

Waxaa maanta Xarunta Tiyaatarka ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad lagu mamuusaayo xuska 1-da luulyo ee maalimta xoriyadda.

Xafladaan waxaa ka qeybgalay Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Maxamed C/lahi Farmaajo,R/wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ,xubno ka socda labada gole ee baarlamaanka,gobolka Banaadir,ururada bulshada iyo marti sharaf kale.

Ra’iisulwasaare Rooble oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku baaqay midnimo iyo wadajir.

”Waxaan maanta u Dabbaal degaynaa 1-da Luulyo oo ku beegan Sanad guurada 61-aad ee ka soo wareegtay Xorriyaddii Gobollada Koofureed ee dalkeenna, Midowgii Koofur iyo Woqooyi iyo Dhalashadii Qarankeenna”, ayuu yiri Rooble.

Waxaa uu intaasi kusii daray “61 sano ka dib, waxaan baahida ugu weyn u qabnaa midnimo iyo wadajir oo ah jidka kaliya ee aan ku gaari karno horumarka aan hiigsaneyno, kulana tartami karno dalalka iyo dadyowga asaaaggeen ah.”

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top