skip to Main Content

Madaxweynaha Maraykanka oo booqday magalada Tulsa Oklahoma

Madaxweynaha Maraykanka ayaa la kulmay dadkii ka badbaaday weerarkii 1921 ee Oklahoma, mid ka mid ah kuwii ugu xumaa ee ka dhasha rabshadaha cunsuriyada taarikhda Maraykanka.
Qarni kadib markii dad cadaan ah ay burburiyeen beel Madawga-Maraykanka ah ee firfircoon ka dagaan magaalada Tulsa. Biden ayaa sheegay in taarikhdaas iyo rabshadii dacday si sax ah loo ogaan doono.
Tani waxay ahayd markii ugu horaysay uu Madaxweyne Maraykan ah xaafadaas booqdo ka dib wixii dhacay qarni kadib. Biden ayaa yidhi wax badan ayaa la’aamusnaa dhibaatadii ka dhacday xaafada Greenwood lakin uu dhahay “in kastoo madowgu wax qarinkaro waxba matirtiro”.
Biden ayaa qorshihiisu tahay inuu tirtiro faraqa u dhaxeeyay madawga iyo cadaanka dhinaca dhaqaalaha inta uga hadhsan maamulkiisa madaxtooyo.
Back To Top