skip to Main Content

Madaxweynaha uganda oo wilkiisa u magacabay taliyaha ciidamada qalabka sida ee dalkas

By Ayanle Dhiire 

KAMPALA —

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa wiilkiisa General Muhozi Kainrugaba u magacaabay taliyaha ciidamada difaaca dalkaas, sida ay sheegtay dowladda Uganda.

 

Ku dhawaaqista wasaaradda gaashaandhigga ayaa daba socotay hadal heyn sanado badan socotay oo ku saabsan in Kainerugaba loo diyaarinayo xilka ugu sarreeya ee Uganda.

 

Inkastoo 49-jirkan uu horay u beeniyay wararka sheegaya inuu doonayo inuu xilka kala wareego aabihiis- oo ah hoggaamiye muddo dheer soo xukumayay dalka Uganda, haddana wuxuu ku dakeynayaa dallacsiin degdeg ah oo uu ka gaaray darajada ciidamada Uganda.

 

Hadal laga tiray sannadkii hore barta X, oo hore u aheyd Twitter, Kainerugaba wuxuu sheegay inuu damacsan yahay inuu u tartamo madaxweyne Uganda doorashada 2026.

 

Kadib muran 2022 ka dhashay qoraal uu Kainerugaba ugu hanjabay Kenya, Museveni, oo 79 jir ah, ayaa damcay inuu xakameeyo wiilkiisa, isagoo u sheegay inuu ka fogaado baraha bulshada marka ay timaado arrimaha gobolka.

 

Si kastaba ha ahaatee, Museveni oo Kenya ka raali-geliyay dhacdadaasi, ayaa difaacay Wiilkiisa keliya ee uu dhalay, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay “Jeneraal aad u wanaagsan”, isla markaana uu darajadaas gaadhsiiyay maalmo uun kaddib markii uu khilaafku soo shaac baxay.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top