skip to Main Content

Magaalada Lewiston ayaa tartankii duqa magaalada ee 2021 ka ayaa wali ka socda in laqabto

Ridwan Ali

Ron Potvin , oo ka tirsan gudiga dugsiga Lewiston,ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay todobaadkan horaantiisii, isagoo noqday musharixii ugu horeeyay ee sidaas sameeya kadib markii duqa magaalada Mark cayer uu sheegay inuusan raadin doonin dib u doorashada.

Sikastaba ha ahaatee sadex qof oo kale ayaa waraaqa u qaatay kursiga duqa magaalada, waxayna ugu yaraan sahaminayaan ololeyaal. Luke Jensen oo ka tirsan golaha deegaanka ee qaybta 5aad , ayaa sheegay in uu soo qaatay waraaqo si uu usahamiyo orod, laakiin wali go’aan kama gaadhin.

Jensun oo loo doortay golaha magaalada ee 2019 , wuxuu sheegay inuusan u tartamayn dib u doorashada mar hadii uu rumaysan yahay inuu ka guuri doono qaybta 5 aad sanadka dhexdiisa, oo uusan doonayn inuu kursiga baneeyo mudada dhexe, “Wali waa sahamin” ayuu khamiistii ka yiri orodka duqa magaalada.

Jensen oo 29 jir ah, wuxuu kamid ahaa dalagii sadex xubnood ee golaha deegaanka ee ladoortay 2019,ilaa hada midkoodna ma qaadan waraaqo si uu ugu tartamo doorashada golaha deegaanka.

Xildhibaanka magaalada Lee Clement ayaa sidoo kale qaatay waraaqaha kursiga badhasaabyada, laakiin Clement ayaa sidoo kale usoo jiiday waraaqaha waaxdiisa hada ah ee 6 boos.

Clement ayaa sheegay khamiista “ inuu la tashanayo xubnaha iyo cod bixiyayaasha isagoo qiimaynaya xulashooyinka” waxayna ubadan tahay inuu doorto oo fayl gareeyo mararka qaarkood bisha ogosto.

Waxaa kale oo waraaqaha jiidayay Carl sheline, oo iska leh mulkiilaha Munka coworking ee Lisbon street, sheline lana heli karin si aan uga faaloodo khamiista.

Markii lawaydiiyay, Jensen wuxuu khamiistii sheegay in go’aanka Cayer ee ah in aan latartamin oo uu calaamad su’aal dul dhigay tartanka duqa magaalada, wuxuu sheegay in uusan xasuusan wakhti dhaw markii dad badan ay waraaqo ka qaateen kuraas badan.

Potvin ayaa sido kale waraaqo kala baxay kursiga gudiga dugsiga ee hada. Markii uuku dhawaaqay go’aankiisa ah inuusan is sharixi doonin bisha juun, Cayer wuxuu sheegay inuu ku faanay shaqadiisa ku aadan sidii loo heli lahaa dhexda masuuliyiinta, laakiin wuxuu sheegay inuu rumaysan yahay inay sii socon doonto xitaa la’aantiis.

“Runtii aad ayan iskugu dayay inaan taas sameeyo mudadayda waxanan sii wadi doonaa inaan sameeyo lixda bilood ee soo socota, anigoo la shaqaynaya labada dhinac, waxaan isku dayayaa inan dadka ukeeno meel dhexe” ayuu yiri. Beesheena oo ay ku arkaan qiimahaas waxayna qaadan doonaan go’aamada ku haboon marka ay timaado doorashadu.

Galabnimadii khamiista, 23 qof ayaa lasoo baxay waraaqaha 15 ka kursi ee loo tartamayo, in kastoo qaarkood ay waraaqihii u jiideen laba kursi.

Magacyada cusub ee kuraasta golaha waxaa kamid ah Linda scott iyo Dane morgan. Hawkins waxay kaloy haysataa waraaqo loogu tala galay kursiga gudiga Dugsiga ee qaybta 5naad.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top