skip to Main Content

Maine waxay balaarinaysaa kaalmada kiraystayaasha

Ridwan Ali

Maamulka Biden ayaa shaaciyay inay isku dayeen inay dheereeyan caawimaadka dhinaca guryaha lakin Maxkamada Sare ee Marayka ay diideen inay saxeexan, halkaasna Gobalka Maine ku balaarinayo barnaamijkeeda kaalmada dadka kiraystayaasha ah.

Barnaamijyadan ayaa lasii balaadhin doonaa, iyada oo loo eegayo kuwa aan awoodin kirada sababta oo ah saamayntii cudurka faafa ee Coronavirus iyo dhamaan kuwa kale ee aan awoodin sababo badan jirta ilaa inta lagu jiro aafada. Sido kale waxay kordhinaysaa tirada guud ee bisha qoysku heli karo kaalmada 15 bilood ilaa 18 bilood.

“Isbadalada barnaamijyadu waxay ka dhigan yihiin in dad badan oo reer Maine ah ay heli karaan gargaarka ay ubaahan yihiin mudo dheer,” ayuu yiri Daniel Brenan, oo ah agaasimaha MaineHousing.

Waxaan ka maqalnay kiraystayaasha iyo milkiilayaashaba si isku mid ah in barnaamij kani runtii isbadal samaynayo si loo caawiyo dadka u qalma barnaamijkan wuxuu gacan ka gaysanayaa daryeelka kirada kirada ah iyo biilka korontada, waxaan rajaynayaa in kaalmadan ay siiso xasilooni aad loogu baahan yahay hada.

Aqalka Cad waxaa laga soo tabiyay inay xukumada Biden inay jeclanlahayeen inay dheerayaan mudada laga saarikaro kiraystayasha sababo la xidhidhiidha cudurka faafa awgeed. Joojintan oy fuliyeen xarumaha Maraykanka ee xakamaynta iyo ka hortaga cudurada bishii September.

Dhamaadkii bisha Maarso, 6.4 milyan oo qoys oo Maraykan ah ayaan awoodin inay iska bixiyaan kirada, laga bilaabo bisha Luulyo, qiyaastii 3.6 milyan oo qof oo ku nool Maraykanka ayaa sheegay inay lakulmeen in laga saari doono labada bilood ee soo socda.

Dr. Rachelle Walensky oo ah agaasimaha CDC da , ayaa sheegtay bishii june inay noqotay markii ugu dambaysay ee joojinta la kordhiyo marka ay cayimtay wakhtiga kama dambaysta ah ee 31 Luulyo. Dadka isagu soo baxa jidadka iyo gabaadyada.

Shirwaynuhu wuxuu qoondeeyay 47 bilyan oo kaalmo kiro ah oo loo malaynayo inay usocoto si ay uga caawiso kiraystayaasha inay iska bixiyaan kirada. laakiin ilaa hada, kaliya qiyaastii 3 bilyan oo ka mid ah tirada ugu horaysa ee ah 25 bilyan aya la qaybiyay ilaa bishii juun loona qaybiyay gobalada iyo dagmooyinka. Waxaana kamid ah New York.

Todobaadkan, ururka guryaha qaranka iyo dhawr kale ayaa gudbiyay dacwad fadaraal ah oo ayku waydiisanayaan 26 bilyan oo mag dhaw ah sababtuna tahay saamayn joojinta kasaarista kiraystayaasha.

NNA “waxay muda dheer qabatay in Moratoria ka saaristu ay tahay siyaasado ciladaysan oo aasaasis ah ooka dhigaya kiraysta yaasha inay ku dhagan yihiin dayn aan la dhaafi karin iyo bixinta lacagaha kirada oy si cadaalad daro ah ku haystaan inkastoo ay jiraan dadaalo aan horay loo arag oo lagu doonayo in degenaanshohoda la dejiyo 18 kii bilood ee lasoo dhaafay,”  Bob pinnegar, madaxwaynaha iyo maamulaha NAA, ayaa ku yiri bayaan a ku yiri bayaan.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top