skip to Main Content

Mushaharka shaqaalaha ayaa aad u kordhaya iyada oo ganacsatadu u dagaallamayaan buuxinta shaqooyinka

Ridwan Ali

Sannadkii dhammaaday bishii luulyo, mushaharka ayaa 3.5% kor ugu kacay shaqaalaha ka shaqeeya ganacsiga gaarka loo leeyahay, waana korodhkii ugu badnaa muddo ka badan 14 sano.

Mushaharka ayaa si caafimaad leh kor u kacay saddexdii bilood ee la soo dhaafay, iyada oo ganacsatadu ku tartamayaan in ay helaan shaqaale ku filan oo buuxiya malaayiin shaqooyin oo la heli karo.

Dhanka kale, dawladdu waxay sidoo kale sheegtay Jimcihii in qarashka macmiilku uu ahaa mid xooggan bishii luulyo, isagoo sare u kacay 1 boqolkiiba, dakhliga guudna wuxuu gaaray 0.1 boqolkiiba.

Labada warbixinba waxay soo jeedinayaan in shaqaalaynta joogtada ah iyo mushaar kordhintu si ay kor uqaado dhaqaalaha, inkasta oo faafita cudurka cusub ee loo yaqaano “delta variant” uu khatar ku yahay soo kabashada dhaqaalah. Haddii macaamiishu noqdaan kuwo taxaddar badan leh oo dib uga noqda safarka, wax cunista, iyo booqashada goobaha madadaalada, kobaca ayaa hoos u dhici kara.

Meheradaha waxaa lagu qasbayaa inay bixiyaan magdhow sare si ay u soo jiitaan shaqaalaha, maaddaama baahida macmiilku ay sare u kacday gugii markii masiibada dhacday. Shirkadaha, gaar ahaan makhaayadaha iyo warshadaha tafaariiqda, waxay bixiyaan gunno saxeexan, mushahar u badan $15 saacaddii, iyo dheefaha sida qorshooyinka hawlgabka iyo caymiska xayawaanka.

Fadaralka ayaa bixiya $300 oo dheerad ah usbuucii oo ah faa’iidooyinka shaqo la’aanta waxay u badan tahay inay dadka badankoodu ayna rabin inay shaqooyinka kulaabtan inkastoo musharka ay ganacsadayaashu biiriyeen. Qiyaastii 22 gobol ayaa soo afjaray dheeftaas, halka ay ka dhammaan doonto dalka oo dhan bisha Sept, 6 ugu danbayn.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top