skip to Main Content

Maxaa ka jira in Garaadada Khaatumo ay ku kala jabeen raali-gelintii la siiyey DF?

Laascaanood (Boundless media) – Afhayeenka Isimada dhaqanka SSC-Khataumo Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed ayaa si rasmi ah u caddeeyay in dhammaan Isimada SSC-khaatumo ay ku midaysan yihiin raali-gelinta la siiyey dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed shalay ka soo baxay SSC-Khaatumo ayay dowladda Soomaaliya raali-gelin ka siiyey hadalkii uu Gaaraadka guud ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali ku sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay Somaliland ku garab siisay dagaalka Laascaanood, sidoo kale caalamka ay isaga aadisay dagaalka lagu hayo Laascaanood.

War-murtiyeed kasoo baxay shirka Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa waxaa sidoo kale dowladda federaalka looga codsaday in aanay simin SSC iyo kuwa dalka kala goynaya, sida la fahmi karo loola jeedo Somaliland, oo ay si weyn isku hayaan.

Hase yeeshee, waxaa saacado kadib soo baxay warar sheegaya in qaar ka mid ah Isimada ay diideen raali-gelinta, islaamrkaana ku kala jabeen arrintaas. Balse Garaad Cabdisalaan ayaa arrintaas beeniyey.

Garaad Cabdisalaan ayaa sheegay in warqadda raali-gelinta ay saxiixeen dhammaan 14-ka Garaad ee Golaha Khaatumo ka hor inta aan la baahin.

“Marka hore waxaan u caddaynaynaa umaddeena meel kasta oo ay joogaan in aysan Isimadu is khilaafsanayn. Warqaddana dhammaan way wada akhriyeen oo ishay mariyeen waana ku wada qanacsan yihiin,” ayuu yiri Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed.

“Waxaan u soo jeedinayaa shacabka SSC-Khaatumo iyo Soomaalida kale ee taageersan kacdoonka SSC-Khaatumo in aysan ku dhicin dacaayadda cadowga. Ma jiro wax khilaaf ah oo u dhexeeya golaha guurtida ee SSC-Khaatumo,” ayuu yiri.

Garaadka ayaa sidoo kale sheegay in aysan marna dagaal siyaasadeed la geli doonin dowladda Federaalka Soomaaliya balse dagaalkoodu ku jihaysan yahay dhinaca Somaliland oo keliya.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top