skip to Main Content

Maxay SSC ka tiri hanjabaada uga timid SOMALILAND?

by abdinajib abdullahi

Laascaanood (Boundless media) – Warsaxaafadeed kasoo baxay hoggaanka dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa waxaa looga hadlay hadalkii kasoo yeeray taliyaha ciidamada milatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo ku hanjabay inay dagaalka sii wadi doonaan.

Qoraalka kasoo baxay SSC ayaa waxaa lagu sheegay in hadalkaas uu yahay mid walwalkiisa leh, maadaama uu sii hurinayo colaadda ka taagan Laascaanood.

SSC ayaa Somaliland ku eedeysay inay ka dhaga fureysatay baaqii kasoo baxaya Golaha Ammaanka ee QM ee looga dalbaday in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa intaasi ku daraya in Somaliland ay damacsan tahay in mar kale ay dhibaato ka geysto Sool, isla-markaana ay ku duusho dadka deegaanka.

“Hadii dilida boqollaal, dhaawicida kumanaan, barakicinta 280,000, iyo in uu si baaxad leh u burburiyo Laascaanood ay maskaxdiisa ka tahay naxariis, qofku wuxuu kasii gariiri karaa waxa weeraradiisa soo socda ay gaysan karaan, haddii uu sida ku socdo, isaga oo dhagaha ka furaystay baaqii Golaha Amaanka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay SSC.

Dhanka kale hoggaanka dhaqanka SSC ayaa xusay in ciidankooda ay marar badan is dajiyeen kadib weeraro uga yimid Somaliland, balse hadda kadib ay is difaaci doonaan.

SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale ka digtay halista dagaalka haatan la qorsheynayo, ayada oo shaaca ka qaaday in uu kusii fidi karo gobolka Sool oo dhan, sida ay hadalka u dhigtay.

Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana weli isku horfadhiya ciidanka labada dhinac oo mararka qaar madaafiic isku weydaarsada duleedka magaaladaasi.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top