skip to Main Content

Xaggee marayaan wada-hadallada ka socda Garoowe?

by abdinajib abdullahi

Garoowe (Boundless media) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in weli ay ka socdaan wadahadallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda dagaal ee u dhexeyso xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne Deni, si loo dhammeeyo.

Isimada Puntland ayaa lagu wadaa in ay shir deg deg ah ka yeeshaan khilaafaadka siyaasadeed ee Garoowe, ayada oo ujeedka uu yahay in xal loo helo xiisadda taagan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in Ismimada ka maqan Puntland ay saacadaha soo socda gaari doonaan Garoowe, si ay ugu biiraan waa-waanta socota.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Isimadu ay shirkooda uga arrinsanayaan xallinta xiisadda ka dhex aloosan xukuumadda Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Puntland ayaa gashay xaalad hubanti la’aan ah, kadib markii la’isku qabtay furista dastuurka maamulkaasi, taas oo keentay in lagu dagaalmo magaalada Garoowe.

Dhanka kale, laamaha ammaanka iyo maamulka gobolka Nugaal ayaa ka hadlay xaaladda guud ee magaalada Garoowe, kadib markii ay maalin kahor ku wada dagaameen ciidanka ammaanka Puntland iyo kuwa taabacsan xubnaha mucaaradka ah.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Mataan ayaa beeniyay in wararka ku saabsan in weli ay khatar amni ka jirto magaalada Garoowe, wuxuuna tilmaamay in hadda ay dagan tahay.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in y dhaqan gashay xabad joojintii lagu dhawaaqay si dagaalka loo jiyo, loogana hortago xiisadda u dhexeysa xukuumadda iyo mucaaradka.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in ciidamo hubeysan ay isku horfadhiyaan gudaha magaalada, taas oo aad loo hadal hayay saacadihii lasoo dhaafay.

“Garowe waa amni heshiishkii xabad-joojinta ayaa hirgalay wax kale ma jiraan ciidamo is agfadhiyana ma jiraan ee yaanan la qixin bulshada nabada ah” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Mataan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay dagan tahay xaaladda, sidoo kale ay socdaan wadahadallo lagu doonayo in la’isugu soo dhaweeyo labada dhinac.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top