skip to Main Content

Maxey ka wada hadleen Madaxweyne Xasan sheikh maxamuud iyo Ismaacil Cumar geelle

By isxaaq Rashid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Nairobi kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kala hadlay iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada dal oo ay ugu horreyaan arrimaha amniga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas Mudane William Ruto.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka diblomaasiyadda,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray magaalada Nairobi ayaa  halkaas uga qayb galaya shirka Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobeey ee Isbeddelka Cimilada oo lagaga arrinsanayo dhibaatada xooggan ee caalamka ka soo food saartay dhanka cimilada, taas oo si gaar ah saameyn xooggan ugu yeelatay nolasha shucuubta dalalka soo koraya.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top