skip to Main Content

Maxey kawada hadlen Aden duale iyo kuxigenka xoghayaha Arrimaha dibada mareykanka

By Ayanle Dhiire 

Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa magaalada Washington DC ee Maraykanka kulan kula qaatay sii hayaha xilka ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Victoria Nuland.
Waxay ka wada hadleen sida ay Kenya iyo Maraykanka sare ugu sii qaadi karaan iskaashigooda dhanka difaaca sida amniga iyo nabad galyada Geeska Afrika iyo dalalka harooyinka ku teedhsan ee loo yaqaano Great Lakes Region.
Wasiir Ducaale ayaa sidoo kale la kulmay senatar James Lankford oo laga soo doortay gobolka Oklahoma waxayna ka wada hadleen arrimaha ammaanka iyo madax bannaanida dhuleed ee dalalka.
Sidoo kale wasiir Ducaale ayaa wada hadal la yeeshay senatarka gobolka Texas John Cornyn oo ka tirsan guddiga sirdoonka ee aqalka sare ee Maraykanka.
Arrimaha ay wada hadalkooda diiradda ku saareen waxaa ka mid ah sida Kenya iyo Maraykanka ay uga wada shaqeyn karaan tababarrada militari , amniga, nabad galyada iyo xasiloonida gobolka.
Wasiirka gaashaandhigga ee Kenya Aadan Barre Ducaale oo dalka ka ambabaxay Isniintii ayaa Maraykanka ku joogo safar rasmi oo afar cishe ah

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top