skip to Main Content

Meydadka laba wiil oo walaalo ah oo la helay ka dib markii la xiray

By abdinajib abdullahi

Waxaa lagu soo warramayaa in laba wiil oo walaalo ah meydadkooda laga helay qolka meydadka la dhigo ee isbitaalka heerka shanaad ee ismaamulka Embu, ka dib markii saddex cisho ka hor la xiray iyagoo lagu eedeeyay inay jebiyeen xeerarka a Covid-19.
Waxaa labada wiil lagu magacaabi jiray Benson Njiru oo 22 sano jir ah iyo Emmanuel Mutura oo ay da’adiisu ahayd 19 sano.
Waxaa markiii ugu dambeysay lagu arkay iyagoo badqaba magaalada Kianjokoma ee dowlad deegaanka Embu habeenimadii Axadda ka dib markii boolisku ay xireen iyagoo bannaanka jooga saacadaha bandowga.
Qoyska wiilasha ayaa ku andacooday in ciidamada booliska ay falkan ka dambeeyaan islamarkaana carruurtooda si xun loo dilay.
Hasa ahaate taliyaha booliska bariga Embu Emily Ngaruiya ayaa sheegtay in labada wiil ee walaalaha ay dhinteen ka dib markii ay ka boodeen gaarigii lagu waday ee booliiska islamarkaana socday.
Waxaa ay intaa ku dartay inay u geeriyoodeen dhaawacyo soo gaaray.
Waxaa ay sheegtay in labada wiil ee dhalinyarada ah ay ka booday gaariga booliska iyadoo aysan ogeyn saraakiisha baaburka la saarnaa.
Ms Ngaruiya ayaa sheegtay in saraakiisha booliisku ay xoojinayaan qawaaniinta Covid-19.
Taliyaha booliska ee bariga Embu ayaa ugu dambeyntii sheegtay in haatan socdaan baaritaan lagu xaqiijinayo haddii ay jirto dayacaad ka timid dhanka saraakiisha ee xilligaasi dhaqangelinyay bandwoga habeenkii.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top