skip to Main Content

CDC oo ku dhawaaqday joojinta kasaarida xadidadan ee la bilaabay ilaa bishii oktoobar

Ridwan Ali

Xarumaha xakamaynta iyo ka hortaga cudurada Maraykanka ayaa soo saaray xayiraado cusub, iyaga oo sheegay ka qaadista xayiraadaha dadka ay dhaawici karto caafimaadkoda, sidokalena ay carqalad ku tahay dadaalada lagu yaraynayo masiibada coronavirus.

Xayiraad cusub ayaa timid kadib markii madaxwaynaha Joe Biden iyo maamulkiisu ay ogolaadeen in xayiraada laqaaado balse kudhex abuurtay inuu ku faafo xubnaha xisbigiisa. Xayiraadan cusub oo socon doonta ilaa 3 da bisha oktoobar , sida lagu dhawaaqay.

Ilo xog ogaal u ah dadaalka lagula jiro cudurka ayaa sheegay in ku dhawaaqista xayiraadu ay dabooli doonto boqolkiiba 80% gobalada Maraykanka iyo boqolkiiba 90% dadka Maraykanka.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in xayiraada cusub ka duwanaan doonto tii hore, wuxuu intaa sii raaciyay in wakhti ay qaadanayso in dacwad maxkamadu furto taaso ay ugu ogolaanayso kaalmada kirada degdega ah siloo gargaaro kiraystayaasha dhibaataysan.

Biden waxa uu sheegay inuu raadin doono aqoonyahano dastuuri ah kuwaaso uu rabo inay kala taliyaan wado horay loomaro kadib goaanka maxkamadu soo saartay.

In xaqiiqadu ay dhalisay su’aalo ku saabsan dadaalkasta oo cusubi maka badbaadi doonaa loolan sharci. Masuuliyiintu waxay taa ku tilmaameen taasi waxay ubadantahay inay ku jirto talaabooyinka cusub ee madaxwayne Joe Biden ka fiirsanayo.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top