skip to Main Content

Midowga Afrika oo markale ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka

by abdinajib

(Boundless media)_Danjiraha midowga Afrika ee dalka Soomaaliya ahna madaxa howlgalka ATMIS, El-Amine Souef ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay taageeraan qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Madaxa ATMIS ayaa sheegay ka qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, inay ka caawinayso ciidamada amniga Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan inay la wareegaan lahaanshaha amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Labo maalin ka hor ayay ahayd markii wafdi ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika ay soo gabagabeeyeen safar ay ku tageen Soomaaliya si ay ugu kuur galaan xaaladda amni ee ka hor qorshaha dhimista ciidamada ATMIS ee dhamaadka bishan Lixaad iyo Sagaalaad ee sanadkan.
Wasiirka Gaashaandhigga ee wadanka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamad Nuur, ayaa bogaadiyay dadaallada isku dhafka ah ee ka dhexeeya ATMIS, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (XFS) ee ku aaddan xaqiijinta habsami u wareejinta mas’uuliyadda amniga ee lagu wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.
“Wasaaradda gaashaandhigga ayaa hormuud ka ahayd howshan, xil wareejinta iyo la wareegidda waxay daliil u tahay in ciidamadeenna amniga Soomaaliya ay muujiyeen awooddooda si ay ula wareegaan amniga dalkooda,” ayuu yiri Wasiirku.
Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika wuxuu haystaa ilaa 31-da bisha 12-aad ee sanadka 2024-ka, si uu uga baxo Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ATMIS-ka ayaa labaduba xaqiijiyay in ay ka go’an tahay fududeynta in si habsami leh ay mas’uuliyadaha amniga loogu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top