skip to Main Content

SHARIIF oo war culus kasoo saaray dagaalka Baraawe

by abdinajib abdullahi

Muqdisho (Boundless media) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay dagaalka magaalada Baraawe, kaasi oo dhaliyay khasaare isugu jira dhaawac iyo dhimasho.

Dagaalka Baraawe ka taagan ayaa wuxuu u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya, gaar ahaan guutada lixaad iyo ciidmada Daraawiishta dowlad-oboleedka Koonfur Galbeed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horreyn waxa uu tacsi ehellada dadkii ku geeriyooday dagaalkaasi, halka intii ku dhawacantay u rajeeyay caafimaad sariic ah.

Waxa uu nasiib darro aad u weyn ku tilmaamay in ciidamada Xoogga dalka iyo ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ku dagaallamaan Baraawe oo cadowgu hareeraheeda joogo, shacabkiina ay ka qaxaan guryahoodii.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa dalbaday in dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ay sida ugu dhaqsaha badan usoo fara-geliyaan arrintaan.

“Dowladda fedraalka iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed waa inay si deg deg ah u xalliyaan xiisadda magaalada Baraawe,” ayuu Shariif Sheekh Axmed ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa gaarka ah ee Facebook.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in xoogga labada ciidan ee ku dagaalamaya magaalada Baraawe loo jiheeyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhanka kooxda.

“Ma ahan wax la aqbali karo, waana in laga hor tago in markale ay qaxaan Shacab Soomaaliyeed,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Si kastaba, dagaalka Baraawe ee u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay illaa dhowr iyo toban qof oo labada dhinac ah, walina xiisad ayaa kacsan.

 

Xaquuqda weydhowrantahay::Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top