skip to Main Content

Midowga musharrixiinta oo ka shiray khilaafka MD Farmaajo iyo Rw Rooble

by abdinajib abdullahi

Midowga musharraxiinta oo sheegay in xukuumadda Rooble ay si aan wanaagsaneyn u maaraysay khilaafka ka taagan doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi.
Midowga musharraxiinta mucaaradka ee Soomaaliya ayaa kulan ay xalay yeesheen ku sheegay in xukuumadda ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay si aan wanaagsaneyn u maaraysay khilaafka ka taagan doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi.
Waxa ay sidoo kale ka hadleen khilaafka la sheegay in uu soo kala dhexgalay madaxweyne Maxamed Cabdullahi (Farmaajo) iyo ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Ridwaan Xirsi Maxamed, oo mar ahaa ra’iisal wasaare kuxigeenka Soomaaliya, haatanna ka tirsan midowga musharaxiinta mucaaradka ayaa warbaahinta u sheegay in hadda loo baahan yahay in si taxadar leh loo eego wixii dib u dhac u keeni kara hannaanka doorashada iyo in awoodda aysan cidina u isticmaalin si tagrifal ah.
Wuxuu sheegay in khilaafka madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay tahay arrin muuqata.
Waxaa uu intaa ku daray Go’aamada kamadambeysta ah ee aanu ka qaadaneyno way soo bixi doonaan ayuu yiri.
Arrimaha khilaafka muujinaya waxaa ka mid ah war-saxafaadeed ka soo baxay shalay gelinkii dambe xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagu sheegay in haayadaha dawladdu ay sii wadaan shaqadooda.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Rooble ayaa sidaan lagu yiri: “Iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray ra’isul Wasaaraha.”
Hadalka ra’iisul waasaaraha ayaa imaanaya iyadoo habeen hore uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo soo saaray wareegto madaxweyne oo uu ku hakinayay in hay’adaha dowladda ay galaan heshiis ama is af-garad, “kaas oo taabanayo siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka,” sida qoraalka ku xusan.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top