skip to Main Content

Tirakoob ka socday xeryaha Dadaab oo la hakiyay

by abdinajib abdullahi
Waxaa hakad la galiyay tirakoobkii ka socday xeryaha qaxootiga ee Dadaab sababo la xiriira cudurka COVID19.
Tirakoobka shacabka xeryaha oo soo billowday 23-kii bishii lixaad ee sanadkan ayaa ka socday xeryaha IFO, Dhagaxleey iyo Xagardheer.
Waxaa iska kaashanayay hay’adda UNHCR , xoghaynta dowladda dhexe u qaabilsan qaxootiga ee RAS iyo qaar ka mid ah hay’adaha samafalka.
Amarka lagu joojiyay tirakoobka qaxootiga wuxuu ka soo baxay dowladda in kastoo aan saxaafadda laga siin faahfaahin dheeraad ah.
Ilo wareedyo madax bannaan ayaa inoo xaqiijiyay in qaar ka mid ah howlwadeenada tirakoobka waday laga helay cudurka COVID19 taasoo keentay in barnaamijkaasi la hakiyo ilaa amar dambe.
Xarumaha laga sameynayay tirakoobka ayaa waxaa tagayay dad aad u tiro badan in kastoo sharaakisha hay’adaha , waaxyaha caafimaadka iyo laamaha ammaanka ay sameynayeen dadaalo ku aaddan taxaddarka xanuunka COVID19.
Hasa ahaatee waxaa mararka qaar jiray ciriiri badan iyo taxaddar la’aan ay muujinayaan qaar ka mid ah dadka la tirakoobayay.
Tirakoobka qaxootiga oo 4-tii sano mar la qabto ayaa lagu ogadaa tirada dadka ku nool xeryaha wuxuuna muhiim u yahay deeq bixiyaasha oo mar kasta dhaqaalaha ay qaxootiga siiyaan ku jaangooya tirada shacabka.
Tirakoobka hadda la hakiyay ayaa ah midkii ugu horreyay ee la laga sameeyo xeryaha qaxootiga Dadaab tan iyo markii la sameeyay barnaamijkii faraha qaxotiga looga saarayay dadka deegaanka ee iska diiwaangeliyay nidaamka qaxootiga ee UNHCR.
xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top