skip to Main Content

Midowga Yurub oo wax ka beddelay hab-raaca magangalya-doonka

by abdinajib abdullahi

(Boundless media)_Wasiirrada arrimaha gudaha ee 27-da xubnood ee Midowga Yurub ayaa wada xaajoodyo muddo qaatay ka dib ku heshiiyay oo saxiixay isbeddel lagu sameynaya hab-raaca loo qaabilo dadka magan galya –doonka ah ee taga dalalka qaaradda Yurub.
Waxay wada hadallada socdeen 12 saacadood.
Arritan ayay xubnaha EU-da ku kala qabsanayeen tan iyo sanadkii 2015 xilligaasi oo in ka badan hal milyan oo qof oo badankooda ka cararay dagaalladii Syria ay gaareen Yurub.
Guddoomiyaha arrimaha gudaha ee Midowga Yurub Ylva Johansson ayaa soo dhaweysay heshiiska la gaaray waxayna ku tilmaantay guul wayn.
Waxay intaasi ku dartay in tani ay muujinaysa in dalalka Yurub ay iyagoo mideysan ka wada shaqeyn karaan arrimaha socdaalka.
Qodobbada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in dal kasta oo ka tirsan EU-da uu qaabilaya tiro gaar oo qaxooti ah.
Waddamada aan diyaar u ahayn inay sidan sameeyaan waxay kuwa qaxootiga diiwaangeliya ku taageerayaan qalab, shaqaale iyo dhaqaale iyadoo qof waliba oo qaxooti ah loo qoondeynaya ilaa 20,000 oo Euro una dhiganta 21,500 oo doolar.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top