skip to Main Content

264 Meydad Ah oo ila hada lagaso saaray Shakahola!

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Tirada meydadka ee laga soo saaray xabaal wadareedyada keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi ayaa gaartay 264 ka dib markii shalay la helay 6 dheeraad ah.
Tan iyo markii ay dowladdu billowday howlgalkan , waxaa la xiray 45 qof oo dhacdooyinkaasi lala xiriirinaya .
Sidoo kale tirada dadka laga soo badbaadiyay keynta Shakahola ayaa ah 95 qof.
Dowladda ayaa dhacaanka hidda-sidaha ee DNA ka qaaday 93 qof si loo xaqiijiyo ehellada dadkooda raadinaya.
Ilaa iyo hadda waxaa la aqoonsaday 19 qoysas ah halka tirada dadka weli la la’yahay ay tahay 613.
Arrimahan ayaa soo shaac baxay ka dib markii baadariga kaniisadda Good News International ee ismaamulka Kilifi ,Paul Mackenzie lagu eedeyay inuu dad taabacsanaa kula taliyay inay cunta iyo biyaha ka afxirtaan ilaa ay ka geeriyoodeen

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top