skip to Main Content

Mucaaradka oo maanta xusuusanaya dadkii ku dhintay dibadbaxyada

by abdinajib abdullahi


Nairobi(Boundless media)_
Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa maanta qabanaya munaasabado lagu xusuusanaya dadkii ku nafwaayay dibadbaxyadii dalka ka dhacay.
Galinkii dambe ee Isniintii ayay ahayd markii ay shaaciyeen inaynan maanta sameyn doonin mudaaharaadyadii ka dhanka ahaa dowladda dhexe ee ay horay u qorsheeyeen.
Azimio ayaa hoosta ka xarriiqday in maanta aynan bannaan bax ka sameyn doonin waddooyinka balse ay qaban doonaan munaasabado lagu xusuusanaya oo taageero loogu muujinaya dadka ku baxay gacanta booliiska.
Mucaaradka ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay soo baxaan oo ay shumacyo shidaan sidoo kalena dhigaan ubaxyo lagu xusuusinaya dadka dibadbaxyada ku dhintay.
Isbeheysiga Azimio ayaa sheegay in ilaa iyo hadda la soo tabiyay dhimashada 50 qof halka boqolaal kale oo dhaawacmay lagu daaweynaya isbitaallada.
Waxay intaasi ku dareen inay soo saari doonaan magacyada shakhsiyaadka ay waxyeello ka soo gaartay mudaaharaadyada.
Sidoo kale waxay hoggaamiyaasha diimeed ugu baaqeen inay maalmaha Jimcada, Sabtida iyo Axadda u duceeyaan dadka dhintay.
Sidoo kale waxay rajo ka muujiyeen in maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da ay qaabili doonto liiska dad ay mucaaradka ku eedeynayaan inay xadgudubyo u gaysteen dibadbaxayaal.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top