skip to Main Content

Nuurdiin Xaaji oo amray in la soo xiro boolis lagu eedeyay inay labo wiil ku dileen Embu

By Abdinajib abdullahi
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka kenya Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa soo saaray amar lagu soo xiraya 6 sarkaal oo ka mid ah ciidamada booliska ee wadanka.
Askartan ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dil dhawaan loogu gaystay ismaamulka Embu labo wiil oo walaalo ah.
Meydadka wiilashan oo lagu kala magacaabi jiray Benson Njiru iyo Emmanuel Mutura ayaa la helay iyadoo ay ku jireen gacanta booliska.
Shalay ayay ahayd markii taliyaha guud ee booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai uu sheegay in saraakiisha si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyay.
Amarka lagu soo xiraya ee ka soo baxay Nuurdiin Xaaji ayaa ku soo beegmaya ka dib markii uu warbixin ka helay maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA oo baaritaano dhacdadan la xiriira soo gabagabeeyay.

xaquuqda weydhowrsantahay:Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top