skip to Main Content

Talibaan oo ku borrisay haweenka inay kusoo biiraan dowladda ay dhisi doonto

by Abdinajib abdullahi
Sarkaal ka tirsan kooxda Taalibaan ayaa ku boorriyay haweenka inay ku soo biiraan dowladda ka dib markii kooxda fallaagada ay la wareegeen xukunka.
Waxaa uu sheegay in Imaarada Islaamka ay oggoleyn in haweenku noqdaan dhibbanayaal.
Waxaa uu intaa ku daray in qaab -dhismeedka dowladda uusan si buuxda u caddeyn, balse uu ku saleysan yahay waayo aragnimo, islamarkaana ay jirta hoggaan Islaami ah oo dhammaystiran dhinac kastana uu ku soo biiro.
Dagaalyahanada Taalibaan ayaa la wareegay gacan ku haynta madaxtooyada Afghanistan ka dib markii madaxweynihii dalkaasi Ashraf Ghani uu ka cararay magaalada Kabul 15-kii bishaan.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top