Skip to content

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Algeria oo lagu xukumay 5 sano oo xabsi ah

by abdinajib abdullahi

Algeria(Boundless media)_Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Algeria Noureddine Bedoui iyo wasiirkii hore ee caafimaadka Cabdelmalek Boudiaf ayaa lagu riday xukun min shan sano oo xabsi ah.
Warbaahinta dowladda Algeria ayaa ku warramaysa in mas’uuliyiintan hore sidoo kale lagu ganaaxay hal milyan oo ah diinaarka Algeria una dhiganta 7,383 oo doolar.
Waxaa labaduba xukunka ku ridday maxkamadda qaabilsan dhageysiga dacwadaha maaliyadda iyo kuwa dhaqaalaha ee degmada Sidi M’hamed ka dib markii lagu soo oogay musuqmaasuq.
Waxaa labaduba lagu helay inay wax is daba marino lacageed sameeyeen xilli garoon cusub oo diyaaradeed laga dhisayay magaalada Constantine.
Gagida ayaa lagu dhisay qiimo ku dhawaad toddobo mar ka badan intii loogu talagalay waxayna howshan qaadatay in ka badan toban sano.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top