By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
SACIID DENI oo soo saaray dalab la xiriira arrinta GEDO
by abdinajib abdullahi
Garoowe (Boundless media) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay furitaanka kalfadhiga baarlamaanka maamulkaas ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda dalka.
Saciid Deni ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaaday xiisadda mar kale kasoo cusboonaatay gobolka Gedo, taas oo u dhexeyso Jubbaland iyo reer Gedo.
Madaxweynaha Puntland ayaa shaaca ka qaaday in walwal ay ku heyso xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan xasilooni darrada uu sheegay inay kasoo korortay gobolkaasi.
“Dowladda Puntland waxay walwal ka muujineysa xaalad amni iyo xasillooni daro iyo siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay Gobolka Gedo,” ayuu yiri madaxweyne Saciid
Sidoo kale wuxuu dalab culus u diray madaxda dowladda federaalka, isaga oo ugu baaqay in aysan ku dhaqaaqin ficilo lamid kuwa dowladdii hore, sida in la xayiro diyaaradaha.
“Waxaan madaxda dowladda Federaalka ugu baaqaynaa in aysan ku kicin, ficil la mid ah midkii ayaga laftooda dhibanaha u ahaayeen, ee diyaaraddii ay la socdeen hawada laga celiyay loo diiday inay gudaha dalka ku safraan ficiladii madaxda federaalka ee horay madaxdii ka horeysay ugu cambaareyn jireen ee xayiraada duulimaadyada rakaabka ee gudaha dalka. Waa nasiib darro in maanta dowladda federaalka ku caburineyso dadka Gobolka Gedo wixii ay horay u diideen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyay in Jubbaland dib u heshiisiin dhameystiran loo sameeyo, isla-markaana xiisada ka taagan Gobolka Gedo aan xabad iyo caburin loo adeegsan.
Xiisadda Gedo ayaa mar kale cirka isku sii shareertay, kadib markii uu Axmed Madoobe maamul cusub u magacaabay gobolkaasi, ayada oo xal laga gaarin khilaafkii hore.
Si kastaba, lama oga halka ay ku furan doonto arrinta haatan soo korortay oo durbo saameynteeda la dareemay, maadaama la hakiyay duulimaadyadii gobolka Gedo.
xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media
This Post Has 0 Comments