skip to Main Content

SSC-Khaatumo oo bayaan deg deg ah ka soo saartay dagaalkii maanta, shaacisay in…

Laascaanood (Boundless media) –Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa faafin deg deg ah kasoo saaray dagaalkii maanta dib uga qarxay gobolka Sool, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

Bayaanka SSC ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada Somaliland, iyaga oo weeraray odayaal dhaqan oo degmada Yeyle u tagtay wacyi-gelinnabadeed iyo sidii loo xakameyn lahaa colaadaha jira.

“Saddexdii maalmood ee ugu danbeeyay waxaa degmada Yeyle isaga daba tagay wafuud nabadayn ah oo ka kooban Isimmo, cuqaal iyo waxgarad Kale. Weftigaas oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, waxayna deegaannadaas ka wadeen wacyi-gelin nabadeed iyo sidii loo xakamayn lahaa colaadaha jira,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hoggaanka SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Nasiib-darro saaka oo ah 22 November Ciiddammada Muuse Biixi oo fulinaya baaqii colaadeed ee ka soo yeedhay 21 November 2023, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Maamulka Muuse Biixi ayaa waxay weerar fulaynimo ah ku soo qaadeen Degmada Yeyle iyo Goobihii ay ku sugnaayeen waftigii Nabadayntu. Weerarkii ka dhashay duullaankaas ayaa illaa hadda soconaya.”

SSC-Khaatumo ayaa waxay shaacisay in ciidamada SSC ay gacanta ku soo dhigeen maxaabiis iyo gaadii dagaal, kuwaasi oo ay sheegtay in dhawaan loo soo bandhigi doono saxaafadda.

Bayaankan ayaa sidoo kale waxaa baaq loogu diray dowladda federaalka iyo beesha caalamka, ayada oo maamulka uu sheegay in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha deriskooda iyo u hogaansanaanta xeerarka caalamiga ah iyo go’aammada Golaha Ammaanka QM.

Hoos ka aqriso qoraalka SSC oo dhameystiran;

FAAFIN DEGDEG AH

Laascaanood, 22 November 2023:- Saddexdii Maalmood ee ugu danbeeyay Waxaa Degmada Yeyle isaga daba tagay Wufuud Nabadayn ah oo ka kooban Isimmo, Cuqaal iyo Waxgarad Kale. Weftigaas oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, waxayna deegaannadaas ka wadeen wacyigelin nabadeed iyo sidii loo xakamayn lahaa colaadaha jira.

Nasiib-darro saaka oo ah 22 November Ciiddammada Muuse Biixi oo fulinaya baaqii colaadeed ee ka soo yeedhay 21 November 2023, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Maamulka Muuse Biixi ayaa waxay weerar fulaynimo ah ku soo qaadeen Degmada Yeyle iyo Goobihii ay ku sugnaayeen waftigii Nabadayntu. Weerarkii ka dhashay duullaankaas ayaa illaa hadda soconaya.

Ciiddammada xaq-u-dirirka ee difaaca SSC-Khaatumo ayaa si geesinnimo leh uga

Hortegay weerarkaas fulaynimada ah, islamarkaana ku guulaystay in ay dib ugu celiyaan goobihii ay ka soo duuleen.

Ciidamada Difaaca SSC-Khaatumo ayaa gacanta ku dhigay Maxaabiis iyo Gaadiid dagaal, kuwaas oo aanu Saxaafadda u soo bandhigi doonno.

Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa Shacabka weynaha iyo Ciiddammada Difaaca SSC-Khaatumo in ay u diyaar-garoobaan difaaca deegaankooda iyagoo aan cidna duullaan ku ahayn.

Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu ogaysiinayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha deriskooda, islamarkaana aannu u hoggaan samayno xeerarka caalamiga ah iyo go’aammada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay. Balse Maamulka Muuse Biixi ay ka go’antahay in ay dhacaan colaado iyo dagaallo daba-dheeraada.

Ugu dambayn, Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu mar labaad hoosta ka xarriiqayaa in ay u diyaarsanyihiin difaaca iyo ilaalinta nafta, dhulka iyo sharafta deegaannada SSC-Khaatumo oo idil, weerar kasta oo ka yimaadda Muuse Biixina ay ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahadin, kuwaas oo uu masuuliyaddeeda qaadayo Muuse Biixi iyo kooxdiisa.

DHAMMAAD

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top