skip to Main Content

Suudan oo ku hanjabtay in aay ka baxeyso Urur goboleedka IGAD

By isxaaq Rashiid Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan waxay ganafka ku dhufatay Bayaankii ka soo baxay Shirkii ay Guddiga Urur-Gobaleedka IGAD ugu qaabilsan Xalinta Colaada dalkaasi bishan July 10-dii  ku yeesheen Caasimadda dalka Itoobiya ee Magaalada Addis Ababa.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Sudan ayaa lagu sheegay inaysan marnaba oggolaan doonin in Ciiddamo Shisheeye la keeno dalkooda.

Dhanka kale,  Dowladda Sudan waxay ku goodisay inay ka fiirsan doonaan Xubinnimada Ururka IGAD, haddii la ixtiraami waayo Aragtida mid ka mid ah Dowladaha ka tirsan Ururadaasi.

Dhanka kale,  dowladda Sudan waxay soo dhaweysay Shirka Madaxweynayaasha Dowladaha deriska la ah Sudan berrito oo Khamiis ah uga furmi doona Caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top