skip to Main Content

Cosoble oo farriin culus u diray XASAN iyo madaxdii hore ee ku shiraysa Muqdisho

Muqdisho (Boundless med)

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble oo ka hadlay shirka maanta magaalada Muqdisho uga furmaya madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii hore ee dalka ayaa soo saaray baaq culus.

Cosoble ayaa madaxda ku shiraysa Muqdisho usoo jeediyay inay u tudhaan dalkaan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii danta guud iyo mustaqbalka dowladnimada oo aysan fiirsan dantooda gaarka ah.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa waxa uu si gaar ah u dul istaagay qodobo ku jiray heshiiskii u dambeeyay Golaha Wadatashiga Qaran, kuwaasi oo kamid ah qodobada miiska u saaran madaxda ku shiraysa Muqdisho, oo uu kula taliyay inay si taxadar leh ugu fiirsadaan.

“In ra’iisul wasaare laga guuro laguna beddelo madaxweyne ku-xigeen waa xaaladda Soomaaliya oo la geliyay khatar aad u weyn, dhanka kalena wexey qiime tireysaa baarlamaanka,” ayuu yiri Cali Cosoble.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in la fududeeyo doorashada madaxweynaha oo ay xildhibaanada doortaan, islamarkaana uu ahaado madaxweyne sharafeed oo weliba sidaa lagu caddeeyo dastuurka iyo in ra’iisul wasaaraha uu golihiisa wasiirrada kala yimaado aqoon-yahannada Soomaaliyeed, ayna xildhibaannada ka mid noqon karin xukuumadda.

Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble oo dhameystiran;

Dalkaan 1960kii ilaa iyo hadda oo la joogo 2023 ayuu arkaayay madaxweyne.

Kursigaas shacab aad u badan oo Soomaali ah ayaa lagu dhibaateeyay.

Waa kursiga fududeeya in sharciga lagu tunto iyo in hantida ummadda la boobo.

Ma sahlana in madaxweyne lala xisaabtamo, in kalsoonida lagala noqdana ma sahlana. Ayadoo ay sidaa tahay haddana in ra’iisulwasaare laga guuro laguna beddelo madaxweyne ku xigeen waa xaaladda Soomaaliya oo la geliyay khatar aad u weyn, dhanka kalena wexey qiime tireysaa baarlamaanka.

Aniga waxaan talo ku dhiibanayaa in loo guuro nidaamka axsaabta badan, hoggaamiyaha xisbiga ugu aqlabiyadda badanna uu si toos ah u noqdo ra’iisulwasaare 100% u madax bannaan hoggaaminta dalka.

In la fududeeyo doorashada madaxweynaha oo ay xildhibaanada doortaan, isla markaana uu ahaado madaxweyne sharafeed oo weliba sidaa lagu caddeeyo dastuurka iyo weliba ineysan xildhibaannada ka mid noqon karin xukuumadda, ra’iisulwasaarahana uu golihiisa wasiirrada kala yimaado aqoonyahannada Soomaaliyeed.

Laakin waxaan aaminsanahay inta berri (maanta) ka shiri doonta arrinkaan iney warkooda ku gaabsan doonaan sida aan hadda nahay aan sii ahaanno, sababtoo ah mid kasta oo ka mid ah wuxuu rabaa inuu noqdo madaxweyne awood badan oo sameeya siduu sameyn jiray madaxweynihii ka horreeyay.

Waxaanan leeyahay cid madaxweyne noqon doonta Ilaah ayaa oge, u fikira sidaad ku talin laheydeen adinkoon qabin damac madaxweyne.

Soomaaliya ha loo daneeyo aana ka shaqeyno inaan dhinaca siyaasadda ka hor marno.

xaquuqda weydhowrantahay: Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top