skip to Main Content

Waaxda cadaalada iyo gudida schoolka Lewiston ayaa ka shaqeeynaya cadaalad darada ka jirta iskuuladaka magaalada

Baadhitaan kadib, Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka iyo iskuulada Lewiston ayaa shaqo ka sameeyay dib u habeyn lagu soo afjarayo dhaqamada ‘takoorka’.

Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka ayaa toddobaadkan heshiis la gaadhay Iskuulada Dadweynaha ee Lewiston oo loogu talagalay in lagu ilaaliyo xuquuqda waxbarasho ee ardayda naafada ah iyo kuwa baranaya Ingiriisiga (ELL).

Xafiiska Garyaqaanka Mareykanka ee Maine ayaa bayaan uu soo saaray Khamiistii ku sheegay in heshiiska lagu soo afjari doono “dhaqanka iyo kala soocida” degmada ee ah ka reebitaanka ardayda inay dhigtaan dugsiga maalmo dhan sababo la xiriira dabeecadaha naafonimadooda.

Heshiiskaas wuxuu kaloo u baahan yahay in degmadu “siiso fursado waxbarasho oo loo siman yahay” ardayda aan Ingiriisigu u ahayn afkooda koowaad.

Intaa waxaa dheer, degmadu waxay ku darsatay dhibaatada ardayda iyada oo inta badan ku guuldareysata inay siiso waxbarid ama taageero dhaqameed intii ay ku maqanyihiin dugsiga.

Baadhitaanka waaxda ayaa sidoo kale muujisay in degmadu ku fashilantay inay siiso adeegyo ku habboon ardyadeeda barta af Ingiriisiga, in badan oo ka mid ahna waxay ku sii jireen barnaamijka barashada Ingiriisiga muddo sannado ah iyagoo aan weligood si fiican u baran Ingiriisiga.

Sidaas darteed, arday badan oo af Ingiriisiga barata, oo ay ku jiraan muhaajiriin iyo qaxooti ka yimid Soomaaliya, Angola iyo dalal kale oo Afrikaan ah, waxay la kulmeen dib u dhac weyn oo xagga tacliinta halkaasna wakhtigu ugaga dhumo.
Halkii laga rabay inay afar sano ku jiraan inka badan ayaa lagu hayaa si marka ay da’doodu weynaato loo buriyo halkaasna ay ku waayaan fursadii ay ku aadi lahaayeen.

Xafiiska garyaqaanka ayaa sheegay inay arinkaan wax ka badali doonan si ciyaalka naafada ah iyo kuwa dalka ku cusub ay u helaan fursad lamid ah kuwa halkan ku dhashay.

Wixii dheerad ah ama soo korhda ana ayaa idin la soo socodsiin doona hadii uu allah idmo.

Back To Top