By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…

Waddamada Koonfurta Afrika oo ciidamo gaynaya DRC
By abdinajib abdullahi
DRC (Boundless media)_Dowladaha dalalka dhaca Koonfurta qaaradda Afrika ayaa ku heshiiyay inay ciidamo geeyaan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee DRC.
Waxay doonayaan inay kaalin ka qaataan la dagaalanka kooxda M23 ee gobolkaasi ka gaysta weerarro soo noqnoqday.
Waddamadan oo ku mideysan jaaliyadda horumarinta Koonfurta Afrika ee SADC ayaa ka kooban 16 waxaana ka mid ah Koonfur Afrika ,Angola iyo Mozambique.
Bayaan ay si wadajir ah uga soo saareen kulan ay ku yeesheen caasimadda dalka Namibia ee Windhoek ayay ku sheegeen in go’aanka ay qaateen uu yahay mid xasilooni loogu soo dabbaalaya bariga Congo.
Shirka waxaa ka qayb galay madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi, dhigiisa Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa iyo wasiirrada xubnaha SADC.
Hasa ahaate lama cayimin tirada ciidamada ee la geynaya Congo iyo muddada ay halkaasi ku sugnaan doonaan.
Waxay bayaanka ku xuseen in ciidamada militariga ee EAC ay tan iyo bishii 12-aad ee sanadkii hore dib ula wareegeen deegaano ay horay u haysatay fallaagada M23 in kastoo ay ku guul dareysteen cirib tirika maleeshiyaadka.
Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan isku dubaridka arrimaha baniaadannimo ee (OCHA) ayaa sheegay in ugu yaraan hal milyan oo qof ay ku barakaceen weerarrada M23 ee dalka Congo.
xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media
This Post Has 0 Comments