Skip to content

Wasarada waxbarashada kenya oo manta war kaso saartay xiliyada Ay ardeydo ku laabanayaan waxbarashada

By Ayanle Dhiire 

Wasiirka Wasiirada ee Waxbarashada ee dalka, Ezekiel Machogu, ayaa ku dhawaaqay maanta in waxbarashada aasaasiga ah ee carruurta (ECD), dugsiyada hoose iyo midka sare la furi doono 8 bisha Janaayo ee sanadka 2024-ka

Bayaan uu soo saaray Isniinta maanta , Wasiir Machogu wuxuu ku xusay in ardayda Form One-ka ama fasalka koowaad ee dugsiga sare ay skuulada iska xaadiriyaan 15 bisha Janaayo.

“Dhammaan saraakiisha Wasaaradda Waxbarashada waxaa lagula talinayaa inay iska xaadiriyaan xarumaha shaqada si ay waalidiinta uga caawiyaan diyaargarowga lagama maarmaanka ah ee ku saabsan Jadwalka Dugsiyada ee sanadka 2024-ka ,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

Machogu wuxuu ku booriyay waalidiinta iyo dadka ardayda masuulka ka ah inay gutaan mas’uuliyadda waalidnimo si ay ardayda waxyaaba qaldan ugu kicin xili fasaxeedkan.

Si kastaba ahaate Qaab dhismeedka cusub ee waxbarashada wuxuu dhaqan galayaa laga bilaabo bisha Janaayo ee sanadka 2024-ka.

 

 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top