skip to Main Content

Madaxweyne Ruto oo dhaliilay Dadka kaso horjeedo waaxda caymiska Qaran ee cafimaadka NHIf

By Ayanle Dhiire 

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhaliil u jeediyay shakhsiyaad uu sheegay inay ka soo horjeedaan isbedello ay dowladdu ku sameynaysa waaxda caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa carrabka ku adkeeyay in isbedelladan looga gol-leeyahay ka dhabeynta barnaamijka caafimaadka guud ee UHC.
William Ruto ayaa ismaamulka Uasin Gishu ka sheegay in cid kasta oo aan waxyaabahan taageersanayn aynan ka ahayn niyad sami maadaama sida uu hadalka u dhigay ay ka soo horjeedaan horumarka dalka.
Madaxweynaha ayaa xusay in la yareeyay lacagihii ay dadweynaha bil kasta ku bixin jireen caymiska caafimaadka ee NHIF.
Qiimahan oo ahaa 500 oo shilin ayuu tilmaamay in laga dhigay 300 oo shilin si dad badan ay u awoodaan inay bixiyaan.
Waxaa uu madaxweynaha cadeeyay in dowladdu ay qarashaadkan ka bixinaysa dadka aan lahayn dakhli ay iskaga dabbari karaan caymiska caafimaad.
Dhanka kale madaxweynaha ayaa sheegay inay qalad tahay in lagu ordo maxkamadaha si loo joojiyo mashruuca guriyeynta ee dowladda.
Barnaamijkan ayuu sheegay in la doonayo in lagu wanaajiyo xaaladaha hooyga ee kenyaanka.
Waxaa uu tilmaamay in sanad kasta dowladdu ay dhisi doonto 200,000 oo ah guriyo tayeysan oo ay dadweynaha ku degi karaan qiimo ay awoodaan.
Madaxweynaha ayaa laga soo xigtay in ilaa iyo hadda ugu yaraan 120,000 oo qof laga shaqaaleysiiyay mashruuca guriyeynta.
Waxaa uu ku celceliyay in dhammaanteen ay mas’uuliyad naga saaran tahay horumarka dalka oo aan loo baahnayn in la burburiyo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in isbedello lagu sameeyay waaxda beeraha ee dalka ay boqolkiiba 40 kordhiyeen wax soo saarka beeralayda ee sanadkan marka loo barbardhigo sanadkii hore.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top