skip to Main Content

Kalonzo musyoka oo dhaliilay maamulka talada hayo

By Ayanle Dhiire 

Madaxa xisbiga Wiper kana mid ah hoggaamiyaasha sare ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya , Kalonzo Musyoka ayaa maamulka wadanka hoggaamiyo ee Kenya Kwanza ku dhaliilay sheegashada ah inuu talada la wareegay xilli ay Kenya lacag la’aan ahayd.

Musyoka ayaa sheegay in arrintan aan wax caddeyn ah loo hayn.

Kalonzo ayaa intaasi ku daray in xilligii ay dhigayeen dibadbaxyada ee sanadkan ay soo baxday in aan la tixgelin xuquuqul aadanaha.

Waxaa uu ku celceliyay in isbeheysiga Azimio uunan marnaba ka daali doonin inuu dowladda ka dalbado yareynta qiimaha sarreeya ee maciishadda.

Musyoka ayaa sheegay in xilligii ay wada hadallada siyaasadeed ka socdeen xarunta Bomas ee magaalada Nairobi , ay isku dayeen inay xubnaha Kenya Kwanza ka dhaadhiciyaan in hoos loogu dhigo qiimaha maciishadda balse aan taasi lala qaadan.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top