skip to Main Content

Wasiir kindiki oo shaciyay in dawladu Ay dhiseyso Dugsiyo nabaded!

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa shaaciyay in dowladda dhexe ay ilaa iyo shan dugsi si degdeg ah uga dhisi doonto tuulooyinka Dira, Todo, Tuwit, Lomuke iyo Chepchoren.

Xarumahan waxbarasho ayaa waxaa ku biiri doono ardayda ka soo jeedo ismaamullada Elgeyo Marakwet, Baringo iyo West Pokot .

Tani ayaa la doonaya in isdhexgal loogu sameeyo bulshooyinka ku nool dowlad deegaannadan oo ay mararka qaar iskudhacyo dhex maraan si loo xoojiyo nabad galyada.

Kindiki ayaa intaasi ku daray in dugsiyo kuwan la mid ah laga hirgelin doono Turkana, Samburu iyo Laikipia.

Arrimahan ayuu ka hadlay ka dib markii uu kulan la qaatay guddiyada ammaanka iyo sirdoonka ee dowlad deegaannada West Pokot, Elgeyo Marakwet iyo Baringo!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top