skip to Main Content

Xamza oo $20,000 guddoonsiiyay wiil dhalinyaro ah oo soo sheegay qarax la fashiliyay

by abdinajib abdullahi

Muqdisho (Boundless media) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo uu garab taagnaa Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa abaalmarin lacageed guddoonsiiyay wiil dhalinyaro ah oo soo sheegay qarax la fashiliyay.

Muwaadinkan ayaa hay’adda NISA usoo dusiyay xogta Mooto Bajaaj siday qarax ay kooxda Al-Shabaab ay doonaysay inay ku dhibaateeyaan shacabka Sooamaliyeed, waxaana la guddoonsiiyey lacag dhan 20-kun oo dollar.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay sawirka wiilkan dhalinyarada ah oo ra’iisul wasaaruhu guddoonsiinayo abaalmarinta lacageed, ayada oo wejigiisa la qariyay oo sawirkiisa ku furtay humaag, si uusan bartilmaameed ugu noqon kooxaha argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal kooban ka jeediyay munaasabaddaasi oo ka dhacday xarunta Taliska Guud ee NISA ayaa sheegay in tallaabadani ay ku timid wada-shaqeynta iyo kalsoonida ay bulshada Soomaaliyeed ku qabaan hay’adaha ammaanka.

Sidoo kale waxa uu ku ammaanay muwaadinkaas dhiiranaanta iyo wadaniyadda uu muujiyey ee uu ku badbaadiyey nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka hay’adda NISA ayaa horraantii bishii May fashiliyay qaraxaasi, oo kooxda Al-Shabaab la damacsaneyd Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxay xilligaasi ciidanka NISA ay gacanta ku dhigeen jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarkaasi la fashiliyay.

Agaasimaha hay’adda NISA Mahad Maxamed Salad ayaa tan iyo markii uu la wareegay hoggaanka hay’adda, ayaa waxa uu dib u habeyn ballaaran ku sameeyay NISA, oo mar si weyn ugu dhex milantay arrimaha siyaasadda, xilli ay hadda safka hore uga jirto dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top