skip to Main Content

Xiisadda Beledweyn oo kasii dirtay iyo wararkii ugu dambeeyay

by abdinajib abdullahi

Beledweyne (Boundless media) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ay kasii dartay xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne, kadib tallaabo uu qaaday guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolkaasi, Mudane Cali Jayte Cismaan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in la xiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, kadib warqad kasoo baxday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Cali Jayte ayaa amray in muddo 4 maalin ah oo ka bilaabaneysa 24 bishan oo maanta ku beegan ilaa 28 bisha ay joojiyeem diyaaradihii rakaabka ee kasoo dagayey garoonkaaasi.

Dhanka kale, waxaa la fasaxay oo kaliya muddada afarta maalin ah diyaaradaha ATMIS, kuwa samafalka ee QM iyo kuwa sida Qaadka.

Amarkan ayaa saameyn ku yeeshay shacab fara badan oo maanta u kala safri lahaa magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne, kuwaas oo ka baaqday safarkooda, maadaama la joojiyay dhamaan diyaaradaha.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo Sabtidiid shalay ay HirShabelle shaacisay inay ATMIS kala hadashay xoojinta amniga garoomada ku yaalla deegaanada maamulkaasi, si aysan u saameyn isku dhacyada iyo khilaafka haatan jira.

“Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga waramay xaaladaha amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo deegaanadii dhawaan laga xoreeyay cadowga Khawaarijta ah, Isagoo tilmaamay in Ciidamada ATMIS ee gacanta ku haya Garoomada Diyaaradaha uu faray inay xaqiijiyaan amniga garoomada Hirshabeelle” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shir ay yeesheen Golaha Wasiirads HirShabelle

Gudoomiyiihii xilka laga qaaday ee Cali Jayte Cismaan ayaa horay ugu dhowaaqay in diyaarad sidda mas’uul ka tirsan HirShabelle aysan ka dagi karin garoonka magaaladaasi, isaga oo wacad ku maray in uu soo ridayo, haddi ay isku deydo inay soo degto.

HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay xilka qaadistii guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan iyo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, lama sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladdahan ay uga sii darayaan dhibaatooyinka adag ee ka jira deegaanada maamulkaasi.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top