skip to Main Content

Xog: DENI oo ku wajahan Garoowe xilli xiisad ay jirto

by abdinajib abdullahi

Garoowe (Boundless media) Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan degaanka Ceel-haarre ee duleedka magaalada Qardho ayaa dhawaan ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Saciid Deni ayaa sida la filayo ku hakan doona degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal, halkaas oo kulamo kula qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulshada degmadaasi.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa lagu wadaa in uu todobaadka danbe si rasmi ah u furo kal-fadhiga Baarlamanka Puntland oo qodoba xasaasi ah horyaallan, oo uu kamid yahay wax ka beddelka Dastuurka Puntland oo ka dhashay muran xooggan.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa horraanta bishii hore ee May magacaabay guddi gaar ah oo ka soo tala bixiya wax ka beddelka uu maamulka Saciid Deni qorsheynayo inuu ku sameeyo Dastuurka Puntland.

Guddigan oo shan xubnood ka kooban ayaa timid kadib markii ay meel-mariyeen Golaha Wasiirada Puntland in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka, gaar ahaan qoddobka xisbiyada siyaasadda maamulkaasi, islamarkaana laga dhigo shan xisbi, halka ay awal aheyd saddex xisbi.

Xubnaha guddigaan ayaa lagu wadaa in Golaha horgeeyan warbixinta fallanqeyn iyo daraasad ay kusoo sameeyeen arrinta wax ka beddelka dastuurka Puntland ee soo jeedisay xukuumadda uu hoggaamiyo Saciid Deni.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, iyada oo la fahamsan yahay in Deni uu gadaal ka riixayo arrintaan, si uu baarlamaankana u meel-mariyo in wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka.
Si kastaba, Socdaalka madaxweyne Saciid Deni ee Garoowe ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli ay weli socdaan wada-hadallo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed iyo amni ee qabsoomida doorashada dowladaha Hoose ee Garoowe iyo laba degmo oo kale, kuwaasi oo hore u hakiyay guddiga doorashooyinka Puntland.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top