skip to Main Content

Kindiki oo shegay in Dacwad la xariirta xasuuq Ay kuso oogii donanan eedeysanayasha Shakahola!

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki ayaa sheegay in dacwad la xiriirta xasuuq lagu soo oogi doono shakhsiyaadka ku eedeysan inay ka dambeeyeen dilal laga soo tabiyay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Waxaa eedeysanayaasha ka mid ah baadariga kaniisadda Good News International Paul Mackenzie .
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in kooxaha baaritaannada sameynaya ay u xaqiijiyeen inay hayaan caddeymo wax ku ool ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo baadariga iyo ugu yaraan 16 qof oo kale ay xabsiga ku jiraan.
Kindiki ayaa carrabka ku adkeeyay in dacwadda kale ee lagu soo oogaya tuhmanayaasha ay tahay inay gaysteen falal dambiyeedyo ka dhan ah aadanaha.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shalay 9 meyd oo dheeraad ah laga soo saaray xabaal wadareedyada keyntaasi tani oo tirada guud ka dhigaysa 251!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top