skip to Main Content

Xog: Xasan Sheekh oo digniin kama dambeys ah siiyay xukuumadda Rw Xamza

Muqdisho (Boundless media) –Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay shir deg deg ah la yeeshay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag ula hadlay xubnaha golaha.

Sida ay ogaatay Boundless media, Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu kala doorad-siiyay Golaha Wasiirada inay meel mariyaan qorshihiisa siyaasadeed ee wax ka bedelka Dastuurka iyo inay banneeyaan kuraasta ay ku fadhiyaan.

Xasan oo aad uga careysnaa Wasiirada Xukuumadda ee aan waxba ka goyn Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin kama dambeys ah siiyay, sida ay Boundless media u xaqiijiyeen illo goobjoog ahaa shirkaasi.

Sidoo kale waxa uu u sheegay in ajendayaasha deynta cafinta iyo cuna-qabateynta hubka uu qaarna ku guuleystay, qaarna ay meel fiican u marayaan.

Hase yeeshee waxa uu saluug ka muujiyay arrimaha la xiriira dhameystirka dastuurka iyo dagaalka Al-Shabaab, isaga oo si gaar ah isku dul-taagay arrinta Dastuurka, oo aan weli sidii uu rabay loo dhaqaajin.

Xogta ayaa intaas kusii dareysa in madaxweynaha uu u sheegay Wasiirada inay ka shaqeeyaan meel-marinta siyaasadda dowladda, isagoona ku yiri “Ma rabno in aan idin daadino, haddii nagula qasbo waa idin daadineynaa, rag kale oo jaakado wata oo bannaanka taagan ayaa idinku bedeleynaa.”

Xasan ayaa muddooyinkii dambe si weyn uga shaqeynayay sidii uu u meel-marin lahaa heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaran, kuwaasi oo la kulmay diidmo xooggan, waana kuwo dhammaantood u baahan in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka.

Si kastaba, Qorshaha wax looga beddelayo Dastuurka oo gadaal uu ka riixayo madaxweyne Xasan Sheekh, balse aan weli tallaabo rasmi ah loo qaadin ayaa waxaa xusid mudan inay si weyn uga soo horjeedaan saaxibaddiisa ugu dhow-dhow ee tirsan Baarlamaanka.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top