skip to Main Content

Xukuumadda Somaaliya oo ku dhawaaqday xaalad deg deg ah

By isxaaq Rashiid Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta waxa uu booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, waxaana halkaas ku soodhaweeyey Guddoomiye ku xigeenka hay’adda Maareynta Musiibooyinka Dr Axmed Cabdi Aadan Aadan .

 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Salaax Axmed Jaamac ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada ElNiño waxaana uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagay saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoog leh oo ka da’ay gobollada dalka, isagoo sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof.

 

 

Mudane Saalax ayaa ku dhawaaqay xaalad dagdag ah iyo in dawladdu waddo abaabul iyo sidii wax loo gaadhsiin lahaa dadkaas tabaalaysan, Isagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada inay taageeraan dadka Soomaaliyeed ee dhibku gaaray ee ku nool Gobalka Gedo iyo qabyo kamid ah gobolada dalka

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top