skip to Main Content

Afar sarkaal oo ka falceliyay weerarkii ka dhacay caasimada Maraykanka aya is dilay

Ridwan Ali

Waaxda bilayska ee Colombia ayaa shaacisay maalintii isniinta ahayd in laba sarkaal oo boolis ahaa ay ka falceliyeen rabshadihii 6 Janaayo. tirada guud ee ismiidaaminta askartii ilaalinaysay dhismaha maalintaasi ay tahay afar sarkaal.

Afhayeenka waaxda Hugh crew ayaa bayaan uu soosaaray ku sheegay in Guther hashida oo ahaa sarkaal ka tirsanaa booliska Metrapolitan taas oo laga helay maydkeeda gurigeeda maalintii khamiista ahyd.

Hashida oo ku biirtay waaxda bilayska ee Metrapolitan Colombia(MDP) bishii Maarso 2003. Kyle Defreytag oo ka tirsanaa (MDP) aya maydkiisa la helay 10 kii bisha Luulyo. Carew oo sheegay in sidoo kale is miidaamin uu udhintay, Kyle oo waaxda bilayska ka tirsanaa tan iyo 2016 bishii November.

Sidokale Jefrey smith iyo Howard Liebengood oo ahaa sarkaalka bilayska ee xerada wayn ee Maraykanka oo iyaguna ka fal celiyay rabshadaha aya sidoo kale ku dhintay ismiidaamin.

Boqolaal kamid ahaa taageerayasha Madaxwayne Donal Trump ayaa xoog ku galay gudaha dhismaha kuwaasoo isku dayay inay joojiyaan shirwaynihii socday ee lagu xaqiijinayay guushii doorashada madaxwaynaha dimuqraadiga ah ee Joe Biden. Halkaasoy afar qof kudhinteen rabshadii maalintaasi.

Inkabadan boqol askari ayaa iyaguna ku dhaawacmay, sidokale askari ka tirsan bilayska caasimada oo ay weerareen dibad baxyaashii aya isaguna halkaa ku dhintay.

Trump ayaa lagula kacay dacwad qaadistii 2aad oy rabshaduhu sababeen, inkabadan 500 oo qof ayaa loo xidhay inay lug kulahaayeen rabshadaha, afar askari ayaa waxay usheegeen gudi gaara oo wakiilo ah in la garaacay, loo hanjabay, sidokalena aflagaado isir nacayba lagula kacay. Waxayna sheegeen inay dhiman karaan iyagoo u halgamaya sidii ay uga difaaci lahaayeen caasimada kooxda mooryaanta ah.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top