skip to Main Content

Guddoomiye Ciro oo ka digay in la faragaliyo doorashooyinka

By Abdinajib Abdullahi
Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federaal ee Soomaaliya Maxamed Xasan Ciro ayaa sheegay in Gudiyada doorashooyinka aysan qabin cabsi badan oo ku aadan inay qaban waayaan howlaha doorashooyinka ee loo igmaday, isla markaan ay qabaan kalsooni Arintaan ku aadan.
Guddoomiyaha oo ka qeyb galayay dood la xiriirtay arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay in Gudiyada doorashooyinka oo midooba ay ku xiran tahay inay qabtaan doorasho nadiif ah oo waqtigeeda ku dhacda.
Sidoo kale waxaa uu intasi ku daray in iyaga ay ka go’an tahay inay maamulad la wadaagaan inay u madax banaaneeyaan howlaha doorashooyinka , sidoo kalena ay ka hadli karaan hadii ay faragelin dareemaan.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Ciro in wixii khilaaf siyaadadeed ee soo baxa dib loogu celin doono Golaha madasha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka Soomaaliya.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top