skip to Main Content

Joe Biden oo qaaday tallaabo ka dhan ah UKRAINE

by Abdinajib Abdullahi

Washington (Boundless media) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Sabtidii sheegay inaanu maamulkiisu “fududayn doonin” jidka ay Ukraine ugu biirayso, isbahaysiga NATO, isaga oo xusay in dalkaasi looga baahan yahay inuu maro, hannaanka loo dejiyey, xubnaha cusub ee ku biiraya isbahaysiga milateri.

Sida uu dhigayo, qorshaha loo dejiyey inay maraan xalalka xubnaha ka noqonaya NATO, waxaa looga baahan yahay inay la yimaaddaan, dib u habayn milateri iyo nidaam dimoqraadi ah, ka hor inta aanay dalban xubinimada.

Toddobaadkii hore ayay ahayd, markii masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Maraykanku, ay sheegeen inay diyaar u yihiin, in meesha laga saaro qaar ka mida shuruudaha ku xidhan, xubinimada isbahaysiga NATO, si ay Ukraine ugu fududaato inay ku biirto isbahaysigaas.

Hase ahaatee Biden ayaa sheegay in shaqo badan ay u hadhsan tahay, si loo hubiyo in Ukraine ay ay awood u leedahay inay xidhiidhiso hawlaha ciidamada.

Biden oo la weydiiyey Sabtidii in la fududaynayo jidka ku biiritaanka Ukraine ee NATO, ayaa ku jawaabay, maya, “sababtoo ah, waxaa looga baahan yahay inay la yimaaddan, shuruudaha looga baahan yahay dalalka kale, taasna waxba laga bedeli maayo.”
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa Jimcihii ka digay khatarta ka dhalan karta, haddii Ukraine ay ku biirto NATO, taasoo keeni karta, inay horseeddo dagaal dhex mara labada dhinac.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top