skip to Main Content

Sawirro: DANAB iyo Darawshta jubaland oo burburiyay goobo u dhow JILIB, dilayna madax Shabab ah

by Abdinajib Abdullahi

Muqdisho (Boundless media) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin kasoo saartay howl-gallo dhowr ah oo ciidamada kumaandooska DANAB ee ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen deegaanka Weel-Maaroow iyo goobo kale oo saldhig u ahaa xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howl-galkaan oo qeyb ka ahaayeen Daraawiishta Jubbaland ayaa waxay ciidanku ku burburiyeen goobo 42-KM u jira dagmada Jilib oo ay ku sugan yihiin Horjoogayaasha waaweyn ee kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay dowladda shaacisay in howl-galka lagu dilay 40 ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku jireen horjoogayaal sar-sare.

Horjoogayaasha lagu khaarajiyay howl-galka ayaa waxaa kamid ah madaxii qaraxyada Jubbooyinka Farxaan iyo ku-xigeenkiisii Cabdi Mahad, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale saraakiisha kooxda Al-Shabaab ee lagu dilay waxaa kamid ahaa madaxii maaliyada ee deegaanka Weel-Maaroow, sida ay shaacisay dowladda.

Maalmo kahor unbey aheyd markii ay dowladda shaacisay in howl-gallo ay ciidamada huwanta ka fuliyeen duleedka degmada Afmadow kooxda lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh.

Wasaaradda warfaafinta ayaa sheegtay in howl-galladaas lagu burburiyay saldhigyo ay kooxda ku laheyd halkaasi, laguna dilay xubno badan oo ka tirsanaa kooxda.

“Waxaa halkaasi lagu burburiyay dhagarta Khawaarijta iyo qorshahoodii ahaa in ay dadka rayidka ah waxyeeleeyaan” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top