skip to Main Content

Dib u doorashada siciid deni iyo dabaldagyada gobolada puntland

By Ayanle Dhiire 

Dib u doorashada madaxweyne Deni iyo damaashaadada ka socda gobollo kala duwan oo dalka ah.

 

Tan iyo markii la shaaciyey dib u doorashada madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni maanta oo Isniin, waxaa socday, si simanna gobollada Puntland uga bilawday isku soobaxyo bulsho oo aad u ballaaran, kuwaasi oo lagu soo dhaweynayey dib u doorashada madaxweynaha Puntland oo mar kale 5 sano ku guulaysay kursiga madaxtooyada, waxaana isla maanta maxkamadda sare dhaarisay madaxweynaha iyo luxigeenka.

 

Dadweynaha ayaa iskugu soobaxay magaalooyinka waaweyn ee Puntland sida Garowe, Galkacyo, Bossaso, Qardho, Badhan, Dhahar iyo kuwo kale, waxaana sidoo kale jira isku soobaxyo soodhaweyneed oo ka dhacay magaalooyin ay ka mid tahay magaalada Laascaanood ee maamulka Khaatumo.

 

Doorashada madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni iyo kuxigeenkiisa Ilyaas Cismaan Xuseen ‘Lugatoor’ ayaa ah mid albaab cusub furtay, kuna soo siyaadisay habka iyo hannaanka doorashada Puntland maadaama markii ugu horraysay dib loo doortay madaxweyne xukunka ka sii degaya, ama horay u soo qabtay xilka.

 

Ka sokow albaab furiddaai cusub, haddana doorashadaani wax badan oo kale ayay uga duwanayd doorashooyinkii hore. Tusaale ahaan madaxweyne Siciid Cabdillaai Deni wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyey ee ku soo baxay tiradii cod baarlamaan ee ugu badnayd, waxaana uu ku soo baxay aqlabiyad dhan 45 cod wareeggii saddexaad ee doorashda madaxweynaha, tirada guud wakiiillada Puntland waa 66 mudane.

 

Doorashadaani waxaa kale oo ay uga duwanayd doorashooyinkii hore, waxaa la doortay madax siyaasadeed oo wada-socday ama siyaasad ahaan isku xirnaa, loolanka doorashada ka horna saaxiibbo ahaa, soona wada shaqeeyey, haddana wada shaqaynayey kuwaasi oo kala ah madaxweynaha Siciid Cabdillaahi Deni, madaxweyne kuxigeenka Ilyaas Cismaan Xuseen ‘Lugatoor’, guddoomiyaha baarlamaanka Abdirisaaq Axmed Siciid ‘Qaaje’ iyo kuxigeenkiisa koowaad Maxamed Baarri Shire.

 

Afartaas masuul ee hadda ugu sarreeya xukunka Puntland, waxay ahaayeen rag siyaasadda saaxiibbo ku ahaa, taasoo sahli karta sii cimri-dheeraansho wada shaqayntooda ah.

 

Inkastoo oo xillikasta oo doorasho Puntland ah ay ka abuuranto xasarad siyaaadeed, xaraaradda loolankuna ay gaarto heerkulkii ugu sarreeyey, haddana aakhirka waxay ku soo idlaataa hoolka doorashada iyo codbixinta baarlamaan, mana dhaafto xilligeeda cayiman ee dhicidda doorashada, maalintaasi oo ah siddeedda Jannaayo ee sannad doorasheedkaasi.

 

Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top