skip to Main Content

Gudoonka Cusub ee Golaha Wakiilada Puntland oo la doortay

By isxaaq Rashiid Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Puntland shanta sano ee soo socota kadib markii ay tanaasuleen Musharrixiintii ula gudbay Wareegga labaad.
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Wakiilada Puntland mudane Xasan Cabdalla Xasan oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Natiijada Wareega Kowaad ee Doorashada ayaa shaaciyay in mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid uu ku guulaystay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Puntland.
Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa Wareegii kowaad ee Doorashada ka helay 37 cod halka Musharrixiintii ku soo xigay ee Mursal Maxamuud Cabdi iyo Maxamed Faarax Maxamed Gabyo oo helay min 10 cod kadibna ka tanaasuleen Wareegga labaad ee Doorashada.
Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa isna ku haray Wareega Kowaad ee Doorashada Guddoonka kadib markii uu helay 8 cod oo keliya.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top