skip to Main Content

Duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay degaano katirsan Galmudug & khasaaro ka dhashay

By isxaaq Rashiid Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan duqeymo diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaano hoostaga degmada Ceeldheer ee Bariga Gobolka Galgaduud.

Diyaarado dagaal ayaa waxaa la sheegay in ilaa iyo laba Gantaal ay ku dhufatay Goobo ay degaanka Xusseen Cageey oo hoostago Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno katirsan Kooxda Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa Gantaallada lagu weeraray Goobaha ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, isla markaana aysan xaqiijin Karin khasaaraha ka dhashay maadaama aan loo dhawaan karin.

Saraakiil katirsan Ciidanka degaanka ee degmada Ceeldheer ayaa dhankooda sheegay in khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab duqeymaha lagula beegsaday degaannada u dhow degmada Ceeldheer wallow aysan sheegin tirade Xubnaha lagu dilay.

Dhowr jeer oo hore ayaa degaano katirsan Gobalada dalka waxaa ka dhacay duqeymo qaarkood lagu dilay Saraakiil katirsan Kooxda Al-Shabaab, iyada oo duqeymaha ay qeyb ka yihiin howlgallo dhulka ah oo ay wadaan Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top