By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir (Qaanqaa) ayaa sheegay sababaha dalkooda loogu celinayo…
Maxkamadda gobolka banaadir oo xukun ku ridday dhalinyaro caanka ah barta Tiktok
Qoraal ka soo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu shaaciyay xakunka kama dambaysta ah ee dhalinyaro loo haystay kicinta Bulshada, Abaabulka qabaa,ilka, iyo baahinta Anshax xumada ayaa muddooyinkaan dambe xirnaa.
Dhalinyaradaan oo caan ka ahaa Aaladda Tiktokga Xabsiga dhexe ee Xamarna ku xirnaa islamarkaana dhowr fadhi ay ka yeelatay eeddooda Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ugu dambayn manata la xakumay.
Eedeysanayaasha oo ka koobnaa sagaal gabdhood ayaa toddoba ka mid ah lagu xukumay min lix bilood oo xabsi ah, halka labo gabdhood ay maxkamaddu dib ugu celisay xorriyadooda waxana kamid ah”-
1-Sihaam tahliil, 2-Nashaad Nalka, 3-Sacdiyo Galmudug, 4-Iftin Model, 5-Anjal iyo 6- Farxiyo zona.
Dhalinyaro kale oo iyaguna loo haysto Anshax xumo ayaa weli Maxkamadda aysan dhagaysan Eeddooda hayeeshee la filayo in dhowaan la keeno Maxkamadda Gobolka Banaadir.
This Post Has 0 Comments