skip to Main Content

Madaxweyne Ruto oo xil u magacaabay wasiirkii hore ee Arrimaha Bariga Afrika

By Ayanle Dhiire 

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wasiirkii hore ee arrimaha bariga Afrika iyo horumarinta gobollada Aadan Maxamad u magacaabay madaxa hirgelinta istaraatiijiyadda horumarineed ee dowladda dhexe.

Tani ayaa timid ka dib markii uu madaxweyne William Ruto dib u habeyn ku sameeyay golaha fulinta ee maamulkiisa.

Aadan Maxamad ayaa ka shaqeyn doono qaybta fulinta ee xafiiska madaxweynaha dalka oo hoos tagto madaxtooyada State House.

Waxaa uu horay ahaa xubin ka tirsan golaha la-taliyaasha arrimaha dhaqaalaha ee madaxweynaha.

Aadan Maxamad ayaa horay u soo noqday wasiirkii ganacsiga iyo warshadaha ee dalka ka hor inta aan loo wareejin wasaaradda arrimaha bariga Afrika.

Waxaa uu is casilay bishii 2-aad ee sanadkii 2022-kii isagoo u tartamay xilka barasaabnimo ee ismaamulka Mandera oo uunan ku guulaysan

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top