skip to Main Content

Guddoomiye goboleed lagu dilay Afghanistan

by Abdinajib Abdullahi

(Boundless media)_Waxaa lagu soo warramayaa in weerar loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka dhacay dalka Afghanistan lagu dilay sii hayihii xilka guddoomiyaha gobolka waqooyi ee Badakhshan Nisar Axmad Axmadi.
Ilaa iyo hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda falkaasi.
Waxaa halkaasi ku dhintay guddoomiyaha iyo wadihii baabuurka halka 6 qof oo kale ay dhaawacmeen.
Madaxa dhaqanka iyo warfaafinta gobolkaasi Muazuddin Axmadi ayaa sheegay in guddoomiyaha la bartilmaameedsanayay.
Dhacdadan ayaa ku soo aadaysa ka dib markii bishii 12-aad ee sanadkii hore madaxii booliiska ee gobolkaasi lagu dilay weerar ay mas’uuliyadiisu sheegatay koox gacansaar la leh ISIS.
Waxaa ka soo horreeyay weerar kale oo bambo loo adeegsaday oo bishii Afaraad ee sanadkii hore lagu dilay madaxii waaxda macdanta.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top