skip to Main Content

Hay’do sheegay Malaayiin Soomaali ah inay Macluul Wahayaan

by abdinajib abdullahi
Hay’adaha Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ayaa ku baaqay in tallaabo degdeg ah la qaado si looga dhabeeyo Himilooyinka lagu ciribtirayo cunno yarida iyo cudurrada ka jira Soomaaliya.     Agaasimaha Gobolka IFRC ee Afrika Mohammed Mukhier ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay “meelaha ugu halista badan dhulka, ayna kajiraan dhibaatooyin ay ka mid yihiin masiibooyinka cimilada la xiriira, colaadaha, iyo dillaaca Cudurka COVID-19, oo aad u saameeyay ugu yaraan 3 milyan oo qof Wadanka gudihiisa.                                   Bayaanka ayaa lagu xusay in afartii qofba mid ka mid ah ay soo wajahday “heerar aad u sarreeya oo ah cunno yari ba’an iyo in ka badan 800,000 oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ay halis ugu jiraan nafaqo -darro daran haddii aysan si degdeg ah u helin daaweyn iyo gargaar cunto.

Waxay Hay’aduhu sheegeen inay ku dadaalaynaa sidii gacan looga geysan lahaa yareynta gaajada iyo cudurrada balse, marka sida runta ah loo hadlo, gargaarka la heli karo uu weli aad u yar, marka la eego baaxadda dhibaatada jirta sida lagu sheegay Bayaanka uu soo saaray Mohammed Mukhier Agaasimaha Gobolka IFRC ee Afrika .
Wuxuuna intaasi ku daray inay IFRC ay raadineyso qiyaastii $ 9.4 milyan oo Dollar si wax looga qabto baahiyaha loona taageero Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed si ay u caawiyaan in ka badan 563,000 oo qof muddo 18 bilood gudahood ah, ayay raacisay Warbixintu.
Soomaaliya ayaa waxaay kamid tahay dalalka ay kajiraan dhibaatooyinka ay kamid yihiin, Abaaraha, colaadaha, iyo Cudurka safmareenka ah ee COVID-19.

  • xaquuqda weydhowrantahay:Boudlesa media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top